Saraakiisha ciidankii diidanaa muddo kororsiga oo Sagaal qodob soo saaray (Akhriso)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay saraakiishii hogaamineysay ciidamadii ka soo horjeeday muddo kororsiga, iyagoo iska wareystay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbedelka ku dhacay siyaasada dalka.

Saraakiisha ayaa isla soo faaqiday walaaca laga qabo in ciidamada gadooday la beegsado iyo sidii loo soo celin lahaa amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo laga duulayo amarkii ka soo baxay RW Rooble ee ahaa in ciidamadu ku laabtaan xeryahooda.

Waxaa kulankan lagu magacaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood oo ka tirsan saraakiisha Ciidankii hor istaagay muddo korarsiga Farmaajo, kuwaasoo la fadhiisan doonna Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil gaarsiinta ah ee Rooble iyo dhammaan xubnaha Mucaaradka ah.

Xubnahaan ayaa kala ah :-

  1. Gen. Saadaq John
  2. Gen. Gacma Dulle
  3. Gen. Indha Cadde
  4. Col. Saney Cabdulle
  5. Col. Ismaaciil Cabdimaalik
  6. Col. Cismaan Xaadoole
  7. Col. Liibaan Madaxweyne

Waxaay sidoo kale soo sareen 9 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin.

  1. In Xukuumadda Rooble ay ka laabato go’aankii ay Ciidanka Muddo korarsiga kasoo horjeeda ay ugu yeertay Maleeshiyaad oo ay sheegaan in ay yihiin Ciidanka Qaranka.
  2. In Taliyeyaasha sare ee ciidamada dowlada la badalo maadaama rag is dagaalamay aysan isku talin karin si looga fogaado in la beegsado ciidamada muddo kororsiga diidanaa.
  3. In aan Ciidamada muddo korarsiga diiday aan laga jari karin Mushaaraadkooda maadaama ay Qaranka ka badbaadiyeen.
  4. Inaan la beegsan karin Saraakiisha iyo Ciidamadaas haddi ay joogan gudaha magaaladda iyo bannaankeeda.
  5. in Ciidamada Badbaado Qaran ay goobahooda joogi doonnaan amniga xaafaddahaasna ay sugi doonnaan inta ay ka kala cadaaneyso in Rooble uu ku shaqeynaayo fekerkii Farmaajo iyo inuu yahay masuul u madax banaan go’aanadiisa.

6-Haddii ciidamada badbaado Qaran uu weerar uga yimaado dhinaca Ciidanka Farmaajo taabacsana waxay ku qasbanaan doonaan iney isdifaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -